Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalk.
Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Muqdisho u yimid, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay gaartay sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin; dhammeystirka hannaanka deyn cafinta, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kobaca dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.