Toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu noqday mid aan caadi ahayn. Ma ahayn dagaal ku dhisan rasaas iyo riddid xad-dhaaf ah, balse wuxuu noqday dagaal lagu burburinayo kalsooni, sumcad iyo sirdoon.
Iiraan waxay iska dhigtay in la wiiqay awooddeedii gantaallada kadib weerarro Israa’iil ka geysatay gudaha Tehran. Warar si xeeladaysan loo faafiyay waxay muujinayeen in saldhigyo muhiim ah la beegsaday, taasoo abuurtay dareen degganaan been ah oo gudaha Israa’iil ah.Laakiin marka daaha laga rogay — gantaallo culus oo Iiraan kasoo riday gudaha dalkeeda ayaa si lama filaan ah u gaaray bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaal wadnaha Telaabiib. Waxa la ogaaday in Iiraan inan la wiiqin awoodeeda, balse ay ku dhaqmaysay qorshe khiyaano dagaal ah , oo lagu gaaray in warar aan jirin lagu daadiyay warbaahinta, kaddibna la gaaray Israa’iil feejignayn.
Israa’iil waxay si dhaqso ah waxay u wajahday burbur ku yimid nidaamkeeda difaaca, waa wax u dhigma nabar lala gaaray wadnaha, sababtoo ah mid ka mid ah awoodaha Israa’iil aan horey looga hor imaan, waxay ku jirtay nidaamyada difaaca, xaaladan waxay ka dhigtay Israa’iil , isla markaaba inay la xiriirto xulafadeeda Maraykanka iyo reer Yurub si ay taageero dhanka sirdoonka iyo difaaca u hesho.
Laakiin su’aasha ay dad badan is waydiinayaan waxay tahay: Haddii Telaabiib la beegsaday, xaggee kale oo badbaado ah oo haray?
Iiraan kama jawaabin weerarkii Israa’iil si toos ah oo milatari, balse waxay u adeegsatay sirdoon, khiyaano maskaxeed, iyo xeelad niyad burburin ah. Weerarkeedu ma ahayn mid tiro badan, balse wuxuu ahaa mid bartilmaameed leh, niyad jebin ku dhisan, oo lagu soo bandhigay sida ay Israa’iil u nugushahay!Tani waxay muujinaysaa in Iraan ay dagaalka hadda u aragto fursad istiraatiiji ah oo lagu xaqiijinayo saddex yool:
1.In laga muquuniyo Israa’iil gudaha guryaha ay ka taliyaan.
2.In lagu abuuro cabsi guud oo dadweyne, si nidaamka Israa’iil cadaadis siyaasadeed uga wajaho gudaha.
3.In caalamka laga tuso in Iiraan aysan ahayn cadow la sii eedeyn karo, balse tahay awood si xeeladaysan u hawlgasha.
Maxaa la filan karaa todobaadka xiga?
Iiraan waxay u badan tahay inay sii waddo weerarro goos-goos ah oo la beegsado saldhigyo amni iyo meelaha deg deg u dhalinaya niyad-jab sida garoomada, saldhigyo sirdoon, ama xarumaha tamarta.
Israa’iil waxay dib u eegaysaa hannaanka ay u adeegsatay difaaceeda iyo sirdoonkeeda, waxaana suuragal ah in ay fuliso weerar si buuxda u wajahan Tehran ama xarumaha ilaalada kacaanka Iiraan.
Xulafada caalamka, gaar ahaan Mareykanka, waxay ku jiraan feejignaan sare, waana halka ka saaraysa dagaalkan dheeli-tirka oo u rogi kara dagaal dhammeystiran oo gobolka wada gaara, ama waxay u dhaqaaqi doonaan in dhinacyada xalka diblomaasiyadda lagu soo celiyo!
Yaa guuleystay illa hadda?
Haddii guusha lagu cabbiro ciddii la yaabtay cadowgeeda, Iiraan ayaa heshay dhibcahaas.
Haddii guusha lagu cabbiro ciddii fulisay weerarro ay ku dhex jiraan howlgallo sirdoon oo khaarijin ah ee beegsiga saraakiil iyo saynisyahanno , Israa’iil ayaa isku muujinaya Israa’iil ayaa weli muuqatay in aysan burburin.
Laakiin dagaalkan, guushiisu ma ahan cidda riday gantaalka ugu horreeya — waa cidda sii jiri karta toddobaadyo dheeraad ah, iyadoo wali heysta sirdoon shaqeynaya, bulsho aaminsan, iyo xulafo diyaar ah!
W/Q Iman Jamac