Madaxweynaha maamulka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada, kaas oo si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay aragtiyaha Dowladda Jubaland ee la xiriira dib-u-eegista Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku socdaan hanaan hal dhinac ah.
Iyadoo golahu uu isku raacay in go’aamada masiiriga ah ee dalka aan lagu gaari karin hannaan cid gaar ahi hagayso, balse ay lagama maarmaan tahay in lagu gaaro shirweyne Qaran oo loo dhan yahay, si loo dhiso jihada siyaasadeed ee dalka kuna salaysnaato heshiis guud iyo kalsooni wadajir ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray faragelinta joogtada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo qaybo kamid ah Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, taas oo laga digay inay khatar ku tahay nabadgelyada, wadajirka bulshada, iyo xasiloonida deegaanka.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa isla gartay in la dardar-geliyo hirgelinta hannaan casri ah oo lagu xaqiijinayo dabagal, isla xisaabtan, iyo korjoogteyn joogto ah oo ku saabsan mashaariicda dowladda, si loo hubiyo in mashaariicdu u dhacaan si hufan, loogana dhaxlo natiijooyin muuqda oo wax ku ool u ah shacabka.