(Sawirro) Taliyeyaasha ciidanka Xooga dalka & ATMIS oo gaaray degaanka Wargaadhi

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin Caddow iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Wargaadhi ee Gobolka Sh/dhaxe.

Wafdiga Taliyaha waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidamada ATMIS General Sam Okiding, Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Sheikh oo ka mid ah Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan XDS.

Ujeedka ayaa ah in la xoojiyo Howgalada ka dhanka ah al shabaab iyo in sare loo qaado wada shaqeynta Ciidamada milateriga dalka, kuwa ATMIS iyo ciidamada deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin Caddow ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada ee degaankaasi ku sugan isagoo ka dhegeystay warbixino ku saabsan sida ay u socdaan howlgalada ka dhanka ah Al shabaab iyo xaalada amni ee degaanka iyo nawaaxigiisa.

Magaalada Kambala waxaa ka furmay Shirka Urur-goboleedka IGAD oo looga hadlayo Ajendeyaal ay ugu muhiimsan tahay Xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah Soomaaliya.

 

- Advertisement -