Kaalintee ayey Somalia ka gashay 10-ka dal ee argagxisadu ku xoogan yihiin Afrika?

Somalia ayaa kaalinta labaad ka gashay dalalka argagixisaddu ay ugu xoogga badan yihiin Qaaradda Africa, sida lagu sheegay warbixin qiimeyn ah oo uu soo saaray  Machadka Nabadda iyo dhaqaalaha ee fadhigiisu yahay Australia.

Dalka Nigeria ayaa kaalinta Sadexaad waxaa uu ka galay 138 Wadan oo qiimeyn lagu sameeay Awoodda argagixiso ee ka jirta, wuxuuna ugu horreeya dalalka Qaaradda Africa ee argagixisadu ka howl galaan, Aduunyadda dhana ugu horeeya horeeya Ciraaq iyo Afgaanistan Nigeria ayaana kaalinta 3aad fariisatay.

Soomaaliya waxay hoos uga dhacday dalal badan oo ay uga horeysay liiska qiimeynta awoodda aragixisadda.

Ururka Boko Xaram ee Nigeria ka dagaalama iyo Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday Afarta Urur ee dhimashadda ugu badan geysta.

10-ka Wadan ee argagixisadu ugu xoogga badan yihiin Qaaradda Africa ayaa waxay kaalimaha u kala heleen sidatan:-

1 – Nigeria

2 – Somalia

3 – Egypt

4 – Democratic Republic of Congo

5 – Libya

6 – South Sudan

7 – Central African Republic

8 – Cameroon

9 – Sudan

10 – Kenya

Dalalka kala ah Hindiya, Yemen, Masar iyo Philipines ayaa sida ay isugu xigaan u kala galay kaalmaha 7-aad ilaa 10-aad sida qiimeynta lagu xusay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -