Sheekh Shaakir oo goordhaw Warbaahinta loo soo bandhigay kana hadlay arimo muhiim ah

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb warbaahinta loogu soo bandhigay lana hadlay Madaxii hore ee Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan oo saakay isaga iyo hogaanka kale ee Ahlu sunna isku soo dhiibeen ciidanka dowlada .

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay soo afjaraan dagaalkii iyo dhibaatadii kale ee ka dhacday Dhuusomareeb, waxa uuna cadeeyay in ay u tanaasuleen dadka shacabka si aysan waxyeelo usoo gaarin.

”Waxaan sameenay tanaasul aan ugu tureyno shacabkeena ,kadib markii aan aragnay in uu soo wajahan yahay dhib ka badan waxii hore ee dhacay, ” ayuu yiri Sheekh Shaakir Cali Xasan oo Warbaahinta la hadlay.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in horey dowlada federaalka ugu wareejiyeen masuuliyada amaanka magaalada Dhuusomareeb hadana iyada masuul ka tahay lana doonayo in ay ilaaliso si buuxdana ula wareegto.

” Masuuliyada amaanka waxaan mar kale si toos ah ugu wareejinayay dowlada , ma rabno anaga mar dambe in wax dhib ah nagu soo gaaraan barabagaando iyo wax kalana masuuliyada dowlada ayaana ku ognahay iyaga ayaan u dhiibnay ” ayuu yiri Sh. Shaakir.

Madaxii Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ku heshiiyeen in hubkooda iyo ciidankooda ku wareejiyaan Jeneraal Mascuud oo kamid ah saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya horeyna uga tirsanaa kooxda Ahlu Sunna.

Waxa uu sidoo kale Sheekh Shaakir sheegay in masuuliyada amaanka Hogaanka Ahlu Sunnauu ku jiro  masuul ka yahay lana wareegay Sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya .

Hadalka kasoo yeeray Sheekh Shaakir ayaa imaanaya kadib markii saakay aroor hore isku soo dhiibeen ciidanka dowlada sidoo kale la wareegay xaruntoodii Inji iyo hubkii a Ahlu sunna ku dagaalameysay.

 

- Advertisement -