Allbanaadir.com
NEWS

Shir xasaasi ah looga hadlayay amniga Hirshabelle oo dhacay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka guud ee deegaannada maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Amniga, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida uu ugu horeeyo Taliyaha Guutada 3’aad iyo Saraakiisha AUSSOM ayaa qeyb ka ahaa kulankan maanta amniga guud ee Hirshabelle looga arrinsanayay.

Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageeystay qeybaha shirka ku sugnaa.

Taliyaha Sector 5 ee ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi Col. Oscar Hatungiman ayaa sheegay inay sii xoojinayaan dadaallooda dhanka nabad-galyada ee sannadihii dambe ay ka wadeen Soomaaliya gaar ahaan Hirshabeelle oo goobo dhowr ah ay ka joogaan.

“Dowladda iyo Shacabka Burundi waxaan uga mahadcelinayaa naf-hurnimada ciidamadooda, runtii qalbiyadeenna ay ku jiraan oo kaalin muuqato ayay ku leeyihiin howlgalka AUSSOM.” Ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa ayaa kaalintooda ku abaalmariyey saraakiisha Burundi ee waqtiga dheer ka howlgaleyso Hirshabeelle.

Related posts

Qofkii fuliyey qaraxii dhowaan ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo oo la aqoonsaday

Caydiid Ali

Xamaas oo dalka Lubnaan looga dilay Taliye Guuto oo muhiim u ahaa

Cabdi Cade

Muddo kordhin loo sameeyay Soomaali aan sharci ku laheyn dalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---