Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiistii laga sii daayey Laascanod oo Muqdisho soo gaaray

Waxaa galabta casar gaabadkii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay 25 maxbuus uu maamulka SSC-Khaatumo ku wareejiyay  Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo tan iyo sanadkii 2023 ku xirnaa xabsiyada gobolka Sool.

Maxaabiistan ayaa waxaa la socday Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macalin, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Cabdiqaadir.

Soo deynta maxaabiistan ayaa timid kaddib socdaalkii nabadda iyo midnimada ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu dhawaan ku tegay magaalada Laascaanood.

Maxaabiistan oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ayaa la filayaa in maalmaha soo soo socda loo duuliyo magaalada Hargeysa si ay qoysaskooda ula midoobaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRO

Related posts

Dalal aan muslim ahayn iyo Xisbiyo waa weyn oo taageeray Falastiin Eedeyna u jeediyay Israa’iil

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Labo Musharax oo isugu soo haray Doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose oo Jowhar ka socota

Cabdi Cade

Dayax Gacmeed lagu dul qoray Aayad Quraan oo hawada sare loo diray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---