Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada xoogga oo saakay howlgal ka fuliyay degmo ay heesteen Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa in saakay howlgal ka fuliyeen gudaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay joogeen Al Shabaab.

War lagu baahiyay telefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV , ayaa lagu sheegay ciidanka xoogga dalka saakay howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyeen gudaha degmada Ruun-Nirgood , halkaas oo xarumo ku lahaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab.

”Ciidamada xoogga , oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga dowladda.

Ciidanka xoogag dalka iyo kuwa dadka deegaanka ,ayaa horey uga soo baxay degmada Ruun-nirgood iyo deegaanno kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo ay dib ula wareegeen kooxda Al Shabaab oo mar kale dib isku soo abaabushay.

Howlgalkan saakay ciidanka dowladda ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood, ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan abaabul dagaal oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku doonayaan in mar kale Al Shabaab gabi ahaan uga saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo qirtay khasaaraha kasoo gaaray Weerarka Ukraine iyo Belarus oo gantaalo ku…

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka digay in dib loogu laabto xaalad laga soo gudbay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada Dhagax Tuur (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---