Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo gaaray goob lagu duqeeyay xubno katirsan Daacish

Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa howlgallo culus maanta ka wada buuraha Calmiskaad, gaar ahaan togga Miraale oo saacadihii lasoo dhaafay duqeymo culus oo diyaaradeed lagu garaacay, goobaha la duqeeyay ayaana waxaa ku sugnaa xubno katirsanaa kooxda Daacish.

Sida aan wararka ku helnay ciidamo aad u xooggan oo katirsan kuwa difaaca Puntland , ayaa u baxay dhinaca togga Miraale, gaar ahaan goobihii la duqeeyay, si ay ciidamada usoo afjaraan haraadiga Daacish ee duqeynta ka badbaaday.

Ciidamada, ayaa goobaha ay gaareen ee togga Miraale ku arkay khasaaraha duqeymaha cirka u geysteen firxadka argagixisada oo ay ku jiraan meydad ku hoos jira godadkii duqeyntu haleeshay, waxa ay sidoo kale halkaasi ciidamadu ugu tegeen keydadkii kooxda ee duqeyntu burburisay.

Kooxda Daacish ee ku dhuumaaleesaneysa qeybo kamid ah buuraha gobolka Bari, ayaa la kulmaya weeraro isugu jira cir iyo dhul, waxaana kooxda howlgalka socda lagu gaarsiiyay khasaarooyiin badan, waxaana la dilay xubno badan oo katirsanaa kooxdaasi una badnaa ajaaniib.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo Ku Jirta Liiska Dalalka uu ka jiro Hufnaan La’aanta Maaliyadeed

Cabdi Cade

Fariimo kala duwan oo loo diray Xildhibaanada iska horjeeda ee Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Lix Nin oo gacanta ugu jiray (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---