Somaliland oo Xisbiyadda Mucaaradka u Ogolaaday Banaan bax Shuruudo adag ku xiran yihiin

Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ugu ogolaatay xisbiyadda mucaaradka ee Waddani iyo UCID in ay qabsadaan banaan baxyo ay ku xiran yihiin shuruudo adag.

War saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa loogo oggolaaday xisbiyadda mucaaradka in banaan baxyada ay qabanayaan ku qabsadaan xarumahooda ayna mamnuuc ka tahay in meel ka baxsan ku qabsadaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa go’aamisay in Banaanbaxyadu qabsoomaan maalinka Khamiista 11/08/2022, laga bilaabo 7:00: Subaxnimo illaa 12:00 Duhurnimo, kana Qabsoomaan Xarrumaha Xisbiyada Macaaradka ee lixda Gobol .

Madaxda xisbiyadda ayaana la faray in ay ka ilaaliyaan taageerayaashooda in ay ka gudbaan goobaha loo cayimay, waxa ayna wasaaraddu sheegtay haddii ay dhaafaan xadkooda in waxii ka dhasha masuuliyadeeda qaadi doonaan xisbiyadda mucaaradka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -