Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta oo halis ku ah amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxii Afgambiga Sudan oo Is casilay iyo Hogaamiye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

Cabdi Cade

DFS oo hal shardi ku xirtay in Axmed Madoobe ka qeyb galo Shirka Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---