Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kheyre oo xalay ku lugeeyay qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ay wehliyaan masuuliyiin kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa xalay ku lugeeyay qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho si uu u qiimeeyo xaalada amaan iyo howlaha nadaafadeed ee magaalada ka socda.

Kheyre iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray goobo ay olole nadaafadeed ka wadeen maamulka gobolka Banaadir, waxa ay sidoo kale masuuliyiintan u kuur galayeen xaalada magaalada xiliyada habeenkii.

Ra’isul Wasaaraha ayaa intii uu kormeerka ku jiray wadooyinka uu maray qaar kula kulmay dad shacab ah oo laamiga hareerihiisa ku fiidsanayay, Ra’isul Wasaaraha ayaana dadka uu la kulmay la sheekeestay kana xog wareestay xaalada magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo 33 sano ka dib gaartay guul kale oo taariikhi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo ka hadashay Is hortaagii maanta lagu sameeyay Sheekh Shariif (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowlad fasaxday in labo nuuc oo daawo ah loo isticmaali karo cudurka Caronavirus 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---