Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo dilay ajaaniib kale oo ka tirsan Daacish

Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal amni ka sameeyay degaanka Cascasey ee gobolka Bari ayaa halkaasi ku dilay xubno kamid ah Daacish sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu hawlgalkaasi ku dileen xubno ka mid ah firxadkii kooxdaas oo dhammaantood ajaanib ahaa, kuwaasoo ku dhuumaaleysanayay degaanka Cascasey ee waqooyiga Dhaban-qooxley ee gobolka Bari.

“Ciidanku waxay maanta hawlgal ku dileen xubno ka mid ah  firxadka Argagixisada Ajaanibta ah ee Daacish, oo ku dhuumalaysnayey deegaanka Cascasey, Waqooyiga Dhaban-qooxle” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale baahiyay sawirro iyo muuqaallo ay ka duubeen meydadka ajaanibtii firxadka ahayd ee lagu dilay Cascasey, balse ciidamadu faahfaahin kama bixin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray hawlgalkaasi.

Related posts

Saraakiil ay tababareen Milatariga Turkiga oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shirkada Hormuud oo si rasmi ah u Daah-furtay Adeega Inetrnet-ka Faca 4aad (4G)

Cabdi Cade

Saraakiisha Ciidamadii ku dagaalamay magaalada Boosaaso oo la isku keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---