Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey qorshaha NTP-2025-2029

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay.

Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga.

Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga.

Golaha ayaa ku bogaadiyey guulaha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka dagaalka lagula jiro kooxaha daacish & al shabaab iyagoo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed sida warka loo dhigay.

Related posts

Erdogan oo kulan xasaasi ah la qaatay Ismaaciil Haniyah iyo Israa’il oo ka carootay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Ra’isul Wasaaraha Norwey

Cabdi Cade

Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---