Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta booqday furumaha hore ee dagaalka, halkaas oo ay joogaan ciidamada maamulka Hirshabelle, kuwa xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka.
Cali Guudlaawe ayaana si gaar ah ugu tagay qaar ka mid ah daraawiishta, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee casharka u dhigay kooxii Al Shabaab ee maalmo kahor soo weerartay deegaanno badan oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Madaxweyne Guudlaawe oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa ,ayaa kulamo gaar ah la qaatay saraakiidha ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Hirshabelle, kuwaa ay kala hadlayeen baacsiga Al Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.
Safarkan Madaxweynaha Hirshabelle ku tagay farumaha hore ee dagaalka, ayaa kusoo aadaya xilli Al Shabaab maalmo yar kahor weerar culus kusoo qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed, sidoo kale qabsadeen deegaanno kale oo dhowr ah, kuwaa oo hadda dib ula wareegeen ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com