Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dowlada Marekanka ufadhiya Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Richard H. Riley ayaa kulankooda kaga wada hadlay Sidii dib loogu soo celin lahaa Mashaariicdii Dowlada Marekanka ay ka waday Deeganada Koonfur Galbeed, Xaalada Guud ee Siyaasada Soomaaliya iyo Xaqiijinta Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa Danjiraha Mareykanka uga warbixiyay horumarada ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, waxa uuna ka codsaday Mareykanka in ay ka taageeraan dhinacyo badan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahan waday kulamo uu la qaadanayay qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayay taageerada maamulkiisa iyo xaalada siyaadadeed ee dalka.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & danjire Alberto Vecchi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin lahaa 57 xaas iyo boqolaal caruur ah oo geeriyooday isagoo 74 jir ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Khaatumo State baaq muhiim ah u dirtay Madaxda Dowladda Federaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---