Allbanaadir.com
NEWS

Is buurasho dad badan ku dhinteen oo ka dhacday boosteejo tareen

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen isbuurasho xalay fiidki ka dhacday bosteejo tareenka laga raaco oo ku taalla magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya.

Khasaaraha isbuurashada ayaa saakay oo Axad ah waxaa warbaahinta u xaqiijiyay, wasiiru-dowladaha caasimadda.

Shilkan ayaa dhacay abaaro siddeedii fiidnimo ee xalay waqtiga Delhi, kaddib marki ay is riixeen dad u socday magaalada Prayagraj, oo ay ka socoto munaasabad diineed oo ay leeyihiin dadka Hinduuga ah.

Dhimashada ayaa isugu jirta 10 haween ah iyo saddex caruur ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Warbaahinta ayaa soo bandhigtay muuqaalo iyo sawirro tusinaya dad badan oo ku soo yaacaya maxaddada tareenka, iyadoo booliska iyo kooxaha gurmadka ay ku dadaalayeen sidii ay u yareyn lahaayeen ciriiriga.

Wasiirka ugu sareeya New Delhi, Atishi, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay, in qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ay ahaayeen dad u socday ziyaaro diimeed-ka Maha Kumbh oo ka mid ah caqiidooyinka dadka aaminsan diinta Hinduuga.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Ninkii ugu horeeyay ee Alifay dayuuradaha lagu duulo illaa maanta

admin

Dowladda Itoobiya oo mar kale difaacday Is-afgaradka ay la gashay Somaliland

Cabdi Cade

Xog: Kulan ay Gaalkacyo ku yeelan lahaayeen Xassan Shiikh & Deni oo baaqday (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---