Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ganacsatada Soomaalida ee Suuqa xaafada Islii oo bilaabay shaqo joojin (Sababta)

Guddiga ganacsatada ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqay mudaaharaad saddex maalmood soconaya oo ay uga cabanayaan canshuur ay dawladdu kordhisay.

Guddiga oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay xad dhaaf ah u kordhisay canshuurta labadii sano ee u dambaysay.

Guddiga ayaa sheegay in konteinar 8,000 oo dollar lagu canshuuri jiray hadda laga dhigay 12,000 oo doolar taasoo ay sheegeen iney tahay mid xad dhaaf ah.

“Marka ay dawladdu go’aankaas qaadanayso in ay nagala tashato ayay ahayd, labo sano ka hor 9 dal ayaa naga adeegan jiray, faa’iidada dhaqaale ee arrintaas ayaana laga dareemay hoteellada, makhaayadaha iyo meelo kale, shaqooyin badan ayaana ka abuurmay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ganacsatadu soo saareen.

Dowlada Kenya ayaan weli ka jawaabin cabashada ganacsatada iyo shaqo joojinta ay ku dhaqaaqeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Walaalo ku eedeysnaa dilka nin Masuul ahaa oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Yurub oo cunaqabateyn ku soo rogtay dal Muslim ah oo hub ku taageeray Ruushka

Caydiid Ali

Maamulka G/Hiiraan oo War cusub ka soo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---