Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo shaacisay in ay dib ugu soo laabatay masraxa Caalamiga ah

Maamulka Somaliland, ayaa dalka Imaaraadka Carabta uga qeyb galay shir ay dalal kala duwan kasoo qeyb galeen, waxa ayna halkaasi ka heleen fursado ay dalal iyo hay;ado ugu soo bandhigaan aqoonsiga maamulka Somaliland.

Wasiirka madaxtooyada Somailand Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay inĀ  Somaliland ay dib ugu soo laabatay masraxa caalamiga ah, iyadoo ku soo bandhigaysa fursado istaraatajiyaddeed oo dhinaca maalgashiga ah.

Wasiir Khadar Xuseen wuxuu xusay in Somaliland ay muhiimad u yeellayso bogcada ay ku taallo ee badda cas, marinka baa’bul Mandab, deganaanshaha siyaasadeed iyo mashaariicda horumarinta ee shirkadda DP WORLD ku samaysay marsadda Berbera.

Waxa kaloo uu tilmaamay Wasiir Khadar Xuseen in ay noqonayso maamulka Somaliland xuddunta ganacsiga bariga Afrika, waxa uuna xusay Somaliland in ay leedahay khayraad dihin sida Beeraha, Kalluumaysiga iyo xoolaha.

Wasiirka madaxtooyada SomalilandĀ  wuxuu caddeeyay in la joogo wakhtigii ay maalgashadeyaashu ay ku soo biiri lahaayeen tubta Somaliland ay ku doonayso isbeddelka dhaqaale iyo inay xidhiidh la yeellato caalamka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo ku hanjabtay in awoodeeda Dhan u adeegsaneyso Jabhada TPLF

Cabdi Cade

Booliiska Somaliland oo Qiil yaab leh u sameeyay xarriga Wasiir Axmed Muumin Seed

Cabdi Cade

(Sawirro) Danjire Fei Shengchao oo dowladiisu u soo Magacowday safiirka u fadhiya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---