Weerar Ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo saakay lagu qaaday xarun uu lahaa C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare

Weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ayaa saakay aroor hore lagu qaaday xarun Koonfura magaalada Gaalkacyo uu ku lahaa Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi Yare oo ahaa nin si weyn looga yaqaan Gaalkacyo.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay xarunta uu degnaa wadaadkan , waxaana qaraxa kadib xaruntaasi gudaha u galay dagaalyahano hubeesan oo toogasho ka bilaabay.

Xarunta la weeraray ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen qaar badan oo kamid ha xerta wadaadkan kunool magaalada Gaalkacyo, waxaana kooxda wadaadkan hogaamiyo waayadan soo qaadayeen heeso aad loo dhaliilay.

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa wali la dagaalamaya kooxaha hubeesan ee gudaha u galay xarunta la weeraray, waxaana wali lasoo sheegayaa in halkaasi uu ka socdo iska hor imaad xoogan oo dhaliyay khasaaro badan.

Waxii warar ah ee kusoo kordha weerarkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -