Allbanaadir.com
NEWS

Siciid Deni oo garoonka Boosaaso kaga hortagay saraakiil la dhaawacay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga hortegay dhaawaca Gen Fu’aad Xanaano iyo D\Le Jaamac Nuur oo kusoo dhaawacmay hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha gobolka Bari.

Saraakiishan dhaawacyada qabay ayaa galabta diyaarad gaar ah lagu keenay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana saraakiishan waxyeelo kasoo gaartay qarax miino oo ku haleeshay furumaha hore ee dagaalka.

Madaxweyne Deni, ayaa garab istaag u muujiyey oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee saraakiishan geesiyaasha ah ee u dhaawacmay dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna faray Guddiga taakuleynta Ciidanka in xaaladda caafimaad saraakiishan dhakhso looga hawlglo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhameystiran oo dalka iyo dibadda ah.

Ciidanka  Puntland ee ku jira Hawlgalada ciribtirka Argagixisada, ayaa guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka buuralayda Calmiskaad, taasi oo siweyn ay usoo dhoweeyeen dadka reer Puntland oo isku duuban dowlad iyo Shacaba. Waxaana inta badan Ciidanku la wareegay meelaha ay talisyada waaweyn ka sameysatay Argagixisada Daacish oo hadda firxad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wareegii 1aad ee doorashada oo dhamaaday iyo tirinta codadka oo socota

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Codsi deg deg ah u diray Golaha Amaanka ee Q/Midoobay

Cabdi Cade

Xiliga ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya oo ugu dambeyn la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---