Allbanaadir.com
NEWS

Fanaanad Soomaaliya caan ka aheyd oo xalay Geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis  gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, ku geeriyootay fannaanadii Soomaaliyeed ee caanka aheyd Luul Jeylaani Cali, oo katirsaneyd hoobaladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waabari.

Luul Jeylaani , ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuun muddooyinkii dambe hayay, waxaana geerida fanaanadan Soomaaliyeed si weyn uga naxay ehelkeeda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn u jeclaa Luul Jeylaani.

Geerida Luul Jeylaani Cali, waxaa ka tacsiyadeeyay qeybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiin, masuuliyiin, abwaano, fanaaniin iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, kuwaa oo baraha bulshada ku baahinayay dhambaallo tacsi ah.

Fanaanad Luul Jeylaani , ayaa caan ku aheyd qaadista heesaha Banaadiriga loo yaqaan, waxa ay sidoo kale wax ka jishay ruwaayado badan oo lagu dhigay gudaha dalka iyo dibadiisa, gaar ahaan Mareykanka oo sannado badan ay ku nooleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Mareykanka oo cunoqabateyn cusub ku soo rogay dowladda Eritrea (Sababta)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo qorshe cajiib ah u degay Bashiir Goobe si uusan damaciisa u fashilin

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uu ka war hayo Xaalada uu ku sugan yahay Kim Jon Un

Cabdi Cade
Taboola Ads ---