Allbanaadir.com
NEWS

Xaaska Bashaar Al- assad oo furrin u dalbatay hal sabab darteyd

Asma Al-asad oo ah xaaska British-ka ah ee uu qabo madaxweynihii xilka laga tuuray Suuriya ee Bashaar Al-assad ayaa lagu warramaya inay dalbatay furiin , iyadoona doonaysa inay dib ugu laabato Ingiriiska, kaddib markii ay dhibsatay ku noolaashaha Ruushka, sida uu sheegay wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee Daily Mirror.

Haweenaydan oo mar reer galbeedka ugu yeeri jireen ‘ubixii saxaraha’ ayaa la sheegay inay maxkamadda ku taalla Ruushka u gudbisay doonisteeda inay hesho oggolaansho gaar ah oo ay uga baxayso Moscow , iyadoo saraakiisha Ruushka ay hadda qiimeynayaan codsigeeda, sida warbixinta lagu sheegay.

Asma Al-asad waxay u guurtay dalka Suuriya sannadkii 2000, waxayna guursatay Asad isla sannadkaas iyadoo 25 jir ah. Waxay u dhashay saddex carruur ah oo ay hadda sidoo kale doonayso inay kula noolaadaan Ingiriiska.

Haweenaydan waxay caan ku ahayd xirashada iyo in mar kasta lagu arko alaabo qaali ah, waxay u dhaqmaysay muddada uu Bashaar xilka hayay qof soo bandhigaya hodontinimada ay ku nooshahay, xilli gudaha Suuriya ay ka jiraan dhibaatooyin bani’aadanimo iyo burbur nololeed.

Moscow oo ay hadda doonayso inay ka baxdo wuxuu Bashaar Al-assad ku leeyahay 20 guri oo ku yaalla goobaha ugu qaalisan Moscow , kuwaa oo ay ku diyaarsanyihiin dhammaan adeegyada raaxada, balse baxsashadeeda Moscow ayaa la xiriirta in la xaddiday dhaqdhaqaaqooda, iyadoo laga cabsi qabo inay khatar la kulmaan.

W/T Iman Jamac

Related posts

(Sawirro) Burcad hubeysan oo lagu qabtay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo kormeer ku sameeyay Garoonka Aadan Cadde kadibna ka dhoofay ( Sawirro)

Cabdi Cade

NISSAN oo $1 ku iibisay faraceedii Ruushka, sidoo kalena khasaartay $687 Milyan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---