(Sawirro) Burcad hubeysan oo lagu qabtay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Rag burcad ah oo hubeysan ayaa xalay fiidnimadii lagu qabtay xaafada Raadeerka oo ka tirsan degmada Dayniile  ee magaalada Muqdisho.

Qabashada burcadana ayaa timid howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka degmadaas oo lagu soo wargeliyey.

Saraakiisha amaanka degmada Dayniile ayaa sheegay in burcadan ay ka kooban yihiin labo nin oo midkood xirnaa dareyska ciidamada dowlada.

“Ka dib xog ay na siiyeen dadka degaanka ayaan sameynay howlgal aan ku soo qabanay burcadan oo shacabka ka dhacayey telefoonada gacanta ee mobilka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska.

Ciidamada amaanka ayaa la wareegay qori ay wateen burcadan iyo telefoono ay ka dhaceen dad shacab ah, ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -