Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay Mashruuca cusub ee uu dhagax dhigay Laftagareen?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Dib U-Heshiisinta Koonfur Galbeed

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid Yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, Mudane Cali Xoosh Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen, Wasiiro ka Tirsan Koonfur Galbeed ayaa Goobjoog ahaa Munaasabada Dhagax dhiga.

Dhinaca kale, Madaxweyne Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud ku soo dhaweeyey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa ka koobnaa  Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Soo dhaweynta wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa qeyb ka ahaa wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa u yimid ka qeybgalka sanad-guurada 6-aad ee Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ku beegan 19-ka Diseembar.

Related posts

Mid kamid ah Shirakadaha Isgaarsiinta oo fuliyay amar lagu mamnuucay 1Xbet

Cabdi Cade

Daadadkii ugu xumaa muddo 50 sano ah oo ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Miisaaniyadda maamulka Gobolka Banaadir ee 2025 oo la ansixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---