Mustafe Cagjar: “Soo-celinta astaamihii Soomaalinimo waa Waxqabadkeena ugu weyn”

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa ka hadlay Sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay wakhtigii uu talada Degaanka qabtay oo ku beegan 23, August. 2018-kii iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadaas

Waxaa uu sheegay in Soo-celinta astaamihii Soomaalinimo ay qeyb ka tahay waxqabadyada waaweyn ee xukuumaddiisa

“Muddo toban (10) sano ah amaba ka badan waxaa shacabka Deegaanka lagala dagaallamayey jiritaanka isirka Soomaalinimo sida: astaanta calanka, heestii calanka iyo qaar kaleba, waxaa jirtay in heesta calanka Deegaanku isbaddalka kahor ay ahayd mid qoomiyado iyo afkaaro kale gudbinaysa, balse saddexdaas sano ee aan xilka haynno waxaannu ku guulaysannay soo-celinta iyo noolaynta astaamihii Soomaalinimo ee lagala dagaallamay shacabka” ayuu yiri Madaxweynaha

Cagjar waxa uu tilmaamay dadaallo badan oo ay dawladdu ku bixisay xallinta khilaafaad ka jiray gobollada Soomaaliyeed ee ku xeeran Deegaanka, kuwaasi oo weliba lagu guuleystay.

“Waxaa meesha laga saaray ku-tumashadii xuquuqda aadamaha oo inta badan hay’adaha u dooda xuquuqda aadamuhu ay soo bandhigi jireen, balse maanta dhinaca xorriyadda, nabadgelyada, siyaasadda iyo xasilloonidaba uu yahay Deegaanka ugu wanaagsan guud ahaan dalka”.  ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Gaarka ah ee maamulkiisa oo billawgii isbeddelka ay dad waday kicin bulsho lahaayeen waa la tirtirayaa la kordhiyay tiro iyo tayo ahaanba, iyagoo weliba u dhisan sharci iyo aqoon ahaaba si ay bulshadooda ugu adeegaan qaab naxariis leh oo loo dhimrinayo, iyad oo aan laga tegaynin dhawrista sarraynta sharciga.

“Horumarka aannu qabannay ma ahan kuwa ka qarsoon indhaha bulshada oo waa ay muuqdaan” ayuu yiri

Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in ay u qorsheysan tahay xoojinta iyo adkeynta qodobbada soo socda:

  1. Xoojinta dhismaha hannaanka dawliga ah.
  2. Nidaamka iibka qandaraasyada.
  3. Is-la-xisaabtanka dhinaca adeeg-bixinta.
  4. Ilaalinta sarraynta sharciga.
  5. ka-qeyb-galka hay’adaha Fadaraalka. I.w.m

Ugu danbayn, madaxweynuhu waxa uu sheegay in haba yaraatee aysan garanaynin goob ay ku caayeen ururka ONLF oo dhawaan guddoomiyaha ururku ku eedeeyay maamulkiisa, balse haddii siyaasad ahaan iyo afkaar ahaan la isku dhaliilo micnaheedu in aynan ahayn in la is aflagaadeeyay amaba la isku gafay ayuu ku soo gabogebeeyay madaxweynuhu hadalkaiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -