Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif iyo Kheyre oo war kasoo saaray dagaalka ka qarxay Raaskanbooni

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya geysay gobolka Jubbada Hoose iyo ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland, ayaa saakay ka dhacay duleedka deegaanka Raaskanbooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ka dhax bilowday ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Qoraalka ay soo saareen siyaasiyiintan ayey ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in ciidankii Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay la dagaallamaan argagaxisada in dhaxdooda is dilaan, waxa ayna ku baaqeen in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo la isuguna yimaado miiska wadahadalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Galmudug ee Gaalkacyo oo qaaday talaabo si weyn loo amaanay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo kooxo falal amaan daro waday

Cabdi Cade

Lacag Magdhaw ah oo gaareysa $17.5milyan oo la siinayo haween xijaabka laga siibay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---