Pakistan oo Milatariga Somalia ka taageereysa Qalabeynta iyo Tababarada (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe   ayaa kulan la qaatay Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowladda Pakistaan u jooga Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Pakistaan iyo sidii gacan uga geesan laheyd dowladaasi tababarada iyo qalabeynta ciidanka xoogga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaral Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in Dowladda Pakistaan ay Gacan ka geysaneyso tababarad iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowlada Bakistaan u jooga Dalka Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Bakistaan ay Soomaaliya ka taageeri doonto tababarada iyo qalabeynta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Dowladu badan ayaa Soomaaliya xiligan ka taageera tababarida iyo qalabeynta ciidanka xooga Soomaaliya, waxa ayna ciidanka caawinaad kala duwan ka helaan dowladu kala duwan ay ugu horeeyaan Turkiga iyo Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -