Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo war cusub ka soo saartay wadahadalka Somalia

Ethiopian oo ka hadashay inay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya kaddib go’aankii looga saaray Hawlgalka Midowga Afrika

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Nebiat Getachew ayaa soo dhaweeyay in wadahadal lagu xalliyo Khilaafka Soomaaliya kala dhexeeya.

Nebiat Getachew ayaa taageeray qorshaha Kenya iyo Uganda ku doonayaan inay ku dhexdhexaadiyaan khilaafka labada dowladood ee ee ka dhashay is afgaradkii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi.

Mar wax laga weydiiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in ciidamada Itoobiya laga saaro hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu su’aashaasi si toos ah uga jawaabo, Balse wuxuu sheegay in Ciidamada Ethiopia ay sii wadi doonaan dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dhawaan sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay madaxda Somalia iyo Itoobiya ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax wada-hadal ah la geli doonin Itoobiya ilaa inta ay ka laabanayso is afgaradkii badda ee dhexmaray xukuumadda Addis Ababa iyo Somaliland kaasoo dhigayey in la isku bedesho aqoonsi iyo dhul badeed.

Related posts

Jawaari oo la kulmay Safiiro iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Mareykanka oo eryay safiir Afrikan ah oo lagu eedeeyay isir naceyb

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---