Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo war culus ka soo saartay Khilaafka DF & Jubaland

Saaxiibada Caalamka ayaa ka walaacsan khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ).

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada. Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa lagu boorrinayaa inay dib ugu laabato GWQ si wadahadal furan looga yeesho dhammaan arrimaha taagan, loona  soo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay DFS. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisad-abuuridda oo ay dib u billaanaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho.

Saaxiibada Caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hanka/hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo doorasho qof-iyo-cod ah iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo si isasoo taraysa looga wada qayb qaato, loona dhanyahay. Tani waxaa kamid ah kasbashada taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed, iyadoo la horumarinayo hababka doorashada, iyo jadwal waqtiyaysan oo shaqayn kara oo lagu dhameystiro doorashooyinka, kuwaas oo ah kuwo loo dhan yahay, oo si mug leh loo aqbalo, lana xaqiijin karo, isla markaana damaanad qaadaya amniga iyo xasilloonida qaran.

*Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Iswiidhan, Iswisarland, Jabuuti, Jarmalka, Qadar, Qaramada Midoobay, Ruushka, Spain, Talyaaniga, Turkiga, Urur-Goboleedka (IGAD), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) iyo Wafdiga Midowga Yurub.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Eng Yariisow & Calanka oo hoos loo dhigay

Caydiid Ali

Dad ku dhaw 100-qof oo bad ku dhintay xilli ay ka cararayeen Cudur deegaankooda ka dilaacay

Cabdi Cade

Janaraal Odawaa oo kormeeray fariisimo ciidan oo kuyaala Buulo-burde (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---