Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo saakay tallaabo cusub qaaday

Madaxweynaha cusub ee loo doortay maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saakay kulan la qaatay qaar kamid ah taliyaasha ciidamada Somaliland.

Telefishinka maamulka Somaliland ayaa  baahiyay  in madaxweynaha la doortay ee Cabdiraxmaan Cirro uu kulan la yeeshay taliyaha ciidamada  ugu sarreya ee Somaliland, oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa la kulmay taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland iyo saraakiil kala duwan , waxa uuna ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan dadweynaha Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale kulamo la leh masuuliyiin, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa oo hambalyo ugu tagaya Madaxwnaha la doortay.

Related posts

(Sawirro) Hooyo Umul ah & ilmaheedii oo ku dhintay duqeyn Ruushku u geystay Isbitaal

Caydiid Ali

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la kulmay Waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal (Sawirro)

Caydiid Ali

Shir Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---