Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibanadii gaaray Kismaayo oo jawi dalxiis galay (Sawirro)

Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowladda Jubbaland, oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa jawi dalxiis ku qaatay xeebta Liido ee magaaladaas.

Xildhibaanadan Kismaayo gaaray iyo kuwo kale oo lagu wado in maanta magaalada yimaadaan ayaa ka qeyb gali doona, kulan wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidoo wax looga qaban lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Jubbaland iyo federaalka taasoo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka  oo lagu kala aragti duwan yahay.

Axmed Madoobe ayaa dhowaan ka baxay shirka golaha wadatashiga ee ka socday Muqdisho markii uu ku adkeystay inuu qabsanayo doorasho dadban halka madaxda federaalku doonayaan in muddo kordhin sanad ah la siiyo madax goboleedyada ka dibna la qabto doorasho dadweyne.

Related posts

Shacabka Maraykanka oo u baroordiiqaya geeridii ku timid Kobe Bryant (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo kormeeray xarumo ku yaalla Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qorshayaal halis ah la timid iyo cabsi ka taagan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---