Allbanaadir.com
NEWS

Jabhada OLA oo leysay masuuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya

Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA) ee dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa ballaarisay weerarrada ay ka geysanayaan gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromia

OLA ayaa tan iyo toddobaadkii hore 48 qof oo mas’uuliyiin deegaan ay ku jiraan ku dilay gobolka, tiro kalena afduubay, sida ay ku warrantay Wakaaladda wararka ee AFP.

Weerarrada dhimashada badan ay ka dhasheen ayaa ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa la soo sheegayaa iney ka jirto gobolkaas xaalad degganaasho la’aan ah, iskudayda lagu doonayo in lagu xalliyo colaadda gobolkaa ka taagan tan iyo 2018-kii ayaa lagu guul-darraystay.

Dawladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed , ayaa u aqoonsatay koox aragagixiso ah Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA) oo diidan siyaasadaha uu dalkaas u maamulayo.

Jabhadaha OLA ee oromada iyo FANO oo ah axmaarada ayaa dagaal xoogan kula jira xukunka Abiy Ahmed kaasoo gobolo badan ku fiday bilihii la soo dhaafay, waxayna jabhadahaas u dagaalamayaan sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen abiy ahmed iyo dowladiisa.

Related posts

Maano Max’ed Caamir oo lagu wareejiyey gurigeeda oo xoog looga heystay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xarun lagu baranayo Wadaniyadda iyo Dastuurka oo la Daah furay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo ka hadashay Go’aan kasoo baxay Maamulka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---