Allbanaadir.com
NEWS

Xiriirka K/Cagta Ingiriiska oo raali gelin siiyey gabar Soomaali ah

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska  (FA) ayaa ku qasbanaaday inay raali-gelin ka bixiyaan go’aan looga joojiyay inay kulan kubadda cagta oo ka tirsan horyaalka haweenka London ku ciyaarto dhar asturan oo uu ku jiro surwaal dheer gabar Soomaali ah

Iqra Ismaaciil ayaa ka hor timid inay ku ciyaarto surwaal gaaban oo jirkeeda muujinaya iyadoo markaa diidday inay ka tagto waxa ay diinteedu farayso

Ugu dambeyn waxaana hadda loo oggolaaday sida ay doonayso ee ah asturnaanta iyo surwaalka dheer inay ku ciyaari karto.

Iqra oo tan iyo siddeed jirkeedii banooniga dheeli jirtay, ayaa sheegtay in mar walba xirato shaati gacmo-dheere ah, funaanadda kooxda, hijaabka ciyaaraha loogu talo-galay iyo surwaal dheer iyo qalab kale oo muhiim ah.

Gabadhan ayaa u ciyaarta kooxda United Dragons, waxay horey usoo noqotay sannadkii 2019, kabtanka kooxda qaranka haweenka ee kubadda cagta Soomaaliya

Related posts

Dabaaldegyo la xiriira dilka Yahya Sinwar oo ka socda Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal culus oo dhax maray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyada Macawiisley

Cabdi Cade

DF oo si kulul uga hadashay qaraxii lagu dilay G/lle Max’ed Dheere & saraakiil kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---