Allbanaadir.com
NEWS

Shacab weeraray TV Yahya Sinwar ku tilmaamay argagaxiso

Boqolaal ruux ayaa weerarray xarunta shabakadda MBC ee laga leeyahay Sacuudiga, xafiiska ay ku leedahay magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq, halkaasoo dab la qabadsiiyey, burburna loo geystay.

Dadweynaha weerarray ayaa ka careysnaa warbixinnada laga baahiyay MBC oo lagu sheegay inuu argagixiso yahay hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar ee Arbacadii ku dhintay iska horimaad uu la galay ciidanka Israa’iil ee ku sugan koonfurta Qasa.

Barnaamijkii todobaadka ee kanaalka Sacuudiga ee MBC waxa uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaasha wax iska caabinta ee shahiiday inay yihiin Argagixiso isagoo baahiyey warbixin ay ka buuxdo aflagaado iyo meel ka dhac.

Ciraaqiyiinta ayaa isku gadaamay dhismaha xafiiska MBC ee Baqdaad, dab ayaa ka kacay hareerihiisa. Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale u suurtagashay inay gudaha u galaan xafiisyada.

Bayaan ay soo saareen, dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin falka ay kun kacday shabakadda Saudi Carabia, waxayna ku tilmaameen mid niyad-jab ku ah, waxayna ka dalbadeen shabakaddu inay raalli-gelin ka bixiso.

Kooxaha wax iska caabinta Ciraaq ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan xafiiska shabakadda ee Ciraaq haddii aan la xirin.

Related posts

Xildhibaan sheegay inuu dowlada Eritrea kala xiriiray arrinta dhalinyarada Maqan

Caydiid Ali

Kalfadhiga 1-aad ee Gollaha Shacabka oo goordhaw Furmay iyo Ajandayaasha looga hadlayo

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab hubna lagu furtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---