Allbanaadir.com
NEWS

Eritrea oo sheegtay iney ciidan u soo direyso Somalia

Dowladda Eritrea ayaa u sheegtay midowga Africa in ay diyaar u tahay in ay ciidamo u dirto Soomaaliya hadii ay ka baxaan ciidanka Itoobiya ama laga cayriyo si ay buuxiyaan goobaha ay baneeyaan.

Eritrea oo xiriir wanaagsan la leh dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa dhinaca kale khilaaf xoogan waxaa uu kala dhexeeya Maamulka RW Abiy Ahmed ee dalka Itoobiya.

Asmara oo kumanaan askari u tababartay Dowlada Somalia qaar kalena weli uu tababar uga socdo dalkaas ayaan weli la ogeyn qaabka ay ciidamo u keeni karto Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya oo waraysi siiyay Website-ka caanka ah ee The Economist ayaa u sheegay “Hadii aan la baabi’in Is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ka hor 31 December 2024, ciidamada Itoobiya fursad uma heli doonan in ay ka sii mid noqdaan howlgalka AUSSOM ee badalaya ATMIS.

Masar oo sidoo kale khilaaf adag uu kala dhexeeyo Itoobiya ayaa horey u balanqaaday iney 10 askari geyneyso Somalia si ay uga qeyb qaataan howlgalka cusub ee bedelaya ATMIS arrintasaoo walaac ku abuurtay Itoobiya.

 

Related posts

Sacuudiga oo meel mariyay Sharci ajaaniibta kunool dalkaasi ka farxiyay

Cabdi Cade

Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka ee Addis Ababa

Caydiid Ali

Nin la sheegay in Hubka iyo Rasaasta u iibin jiray Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---