Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo Muqdisho ka sameeyay howlgal dad badan soo dhaweeyeen (Daawo Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya ee loo yaqaan Calaqa.

Booliiska oo helay xogta guri kuyaala degmada Wadajir oo lagu farsameeyo waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan calaqa ayaa gacanta kusoo dhigay, waxa ayna booliiska xireen sadex qof oo ku lug lahaa waxyaabahaasi maanka dooriya.

Saraakiil katirsan booliiska, Maxkamada gobolka Banaadir iyo xafiiska xeer ilaalinta ayaa tagay guriga lag qabtay maandooriyaha, waxa ayna booliiska halkaasi ku bur buriyeen  calaqa oo aad u badnaa iyadoona alaabtii lagu sameenayayna horey usii qaateen.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana aad ugu farxay una bogaadiyay howlgalkan ciidamada booliiska kusoo qabteen calaqan faraha badan, waxa ayna shacabku sheegeen in dhibaato badan ku qabeen calaqan oo ay isticmaalaan dhalinyaro badan oo la qalday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Goob ay joogtay Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka oo bam laga helay

Caydiid Ali

Somaliland oo si kulul u cambaareysay talaabadii ay qaaday DF (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan deg deg ah isugu imaanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---