Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay xariga Xildhibaan Max’ed Abiib

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Cirro ayaa saaka xabsiga ku booqday Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kaasoo dhowaan ay xireen maamulka Muuse Biixi oo uu ka soo horjeestay.

Ciro ayaa booqashadiisa ka dib qoraalkan soo saaray kaasoo ku bilowday sidatan.

Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera  oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib .

Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay.

Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo “

Musharax Cabdiraxmaan Cirro .

Related posts

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal dad kala duwan lagu soo qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maraykanka oo laga dalbaday inuu Magdhaw ka bixiyo rayidka uu ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo Dilal geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---