Allbanaadir.com
NEWS

Ingiriiska oo 5 Milyan Dollar ku taageeraya Ciidanka Xoogga dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa ku taageereysa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya malaayiin dollar, waxaana lacagtaasi ciidanka loogu iibin doonaa, raashin, qalabka isgaarsiinta iyo agabyo kale oo muhiim u ah ciidanka xoogga dalka.

Safaaradda dowladda Ingiriiska ku leedahay magaalada Muqdisho ayaana si rasmi ah ugu dhawaaqday in  ku taageeri doonaan ciidanka ammaanka Soomaaliya lacag dhan £5 milyan, lacagtaasi oo wax badan u tari doonta ciidanka ammaanka.

Lacagtan shanta milyan ee dowladad Ingiriiska ugu deeqday ciidanka Soomaaliya, ayaa la marin doonaa mashruuca loo yaqaano UNSOS SSF Trust Fund. Waxaana lacagtan maamuli doona xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Ingiriiska ayaa lacagtan ugu tala galayĀ  in ciidanka loogu iibiyo cuntada, hoyga iyo daabulidda ciidamada. Sidoo kale waxa ay gacan ka geysan doontaa hawlgallada ay sida wadajirka ah ciidamada Soomaaliya ula sameeyaan ciidamada ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax xalay ka dhacay guri ku dhow xarunta degmada Kaaraan & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xisbi Siyaasadeed Walaac xoogan ka muujiyay Hehiiskii Farmaajo iyo Uhuru (Akhriso)

Cabdi Cade

Aflagaadadii Diinta Islaamka ee Madaxweyne Macron oo Sababtay in Pogba qaato go’aan adag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---