Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo u loolamaya kursigii Hop86 ee laga xanibay Fahad Yaasiin

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa isku soo taagay doorashada kursiga HOP86 ee golaah shacabka Soomaalya oo dhowaan la qabanayo.

Kursigan ayaa waxaa horey ugu guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah agaasimihii hore ee heyadda NISA hase ahaatee natiijada doorashadaas ayaa waxaa kansalay gudigii la kala diray ee  doorashada heer Qaran FEIT.

“Keddib wadatashiyo aan la sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Kursiga HOP86, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inaan ahay musharax u taagan tartanka kursigaas.  Laga bilaabo maanta oo Sabti ah, taariikhduna ku beegan tahay 11ka Febraayo 2023, waxaana kulamo kala duwan la qaadanayaa daneeyeyaasha tartanka, aniga oo rajaynaya inaan heli doono kalsoonidiinna si aan idinku matalo Golaha Shacabka JFS” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Kooxda Damujadiid ee talada dalka heysa ayaa kursigan dooneysa iney siiso Dr. Maxamed Xaaji Axmed oo ka tirsan kooxda kaasoo sidoo kale ah nin ka tirsan culimada Soomaalida iyo bahda waxbarashada, waana shaqsiga loo badinayo inuu ku soo baxo loolanka kursigan loogu jiro.

Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka mid ahaa raggii sida weyn ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ragga falanqeeya siyaasada ay rumeysan yihiin iney aad u yar tahay fursadaha uu kursigan ugu guuleysan karo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxnimada Cabdinuur uu gadaal ka riixayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ay ka wada tirsanaayeen Kooxdii looga adkaaday doorashadii dalka ee Nabad iyo Nolol.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo la rumeysnaa inuu kursiga doonayo ayaa la sheegay inuu ugu dambeyn ka tanaasulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -