Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo shaacisay dal ay u aragto Cadowgeeda 1aad

Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, General Birhanu Jula ayaa Masar ugu yeeray cadowga ugu wayn ee Itoobiya leedahay.

Birhanu Jula wuxuu xusey in Masaaridu yihiin cadow taariikhi ah oo marwalba ka shaqeeya sidii ay Itoobiya u wiiqi lahaayeen.

General Jula waxa ku andacoodey in Masar ay doonayso inay ka huriso colaad gudaha Itoobiya, balse Itoobiya ay weli tahay mid xooggan oo awood u leh in ay ka hortagto khatar kasta oo ku soo wajahan.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay hadda u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar kasta oo dhici kara.

Wuxuu sheegay in xaaladda Itoobiya ay sii ahaan doonto mid gacanta lagu hayo isagoo Masar uga digay iney ka waantowdo qalalaasaha ay ka abuureyso geeska Afrika.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aaday xili la filayo iney Masar ay kumanaan askari u soo dirto Somalia kuwaasoo qeyb ka noqonaya howlgalka cusub ee Midiwga Afrika AUSSOM, waxayna arrintaas walaac ku abuurrtay Itoobiya oo Masar uu kala dhexeeyo khilaaf la xiriira biyaha webiga Nile.

Related posts

Xamse Barre oo caawa arrin yaab leh awgeed jidad muhiim ah loogu xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Askari 5 kun Sh.so u dilay oday 65 jir ah & Taliska Booliska oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Qur’aan oo Sannadkan qaadanaya Arday Cusub iyo wargalin ku socota Waalidiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---