Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay dhigiisa Wiliam Ruto? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto, inta uu socday shir-madaxeedka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee ka qabsoomay magaalada Beijing.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, isbedelka cimilada iyo arrimaha gobolka.

Waxay si wadajir ah u adkeeyeen in la ilaaliyo xasilloonida iyo horumarinta gobolka, taasoo ku xiran dhowrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka dariska ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Madasha Shiinaha iyo Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta bulshada, iyadoo laga arrinsanayo kobcinta maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka fuliyaan Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Madasha, waxa uu la kulmay hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada sare ee dalalka Afrika iyo Shiinaha, si loo dardar geliyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

Related posts

(Daawo Sawirro) AMISOM oo balan-qaad Muhiim ah u sameysay Madaxweyne Qoorqoor

Caydiid Ali

Nin 10 sano oo xabsi ah & ganaax ku muteystay hadal uu ku qoray baraha bulshada

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Caawa ku timid Cabdullaahi Abyan Nuur

Cabdi Cade