Allbanaadir.com
NEWS

Israel & Xamaas oo ku heshiiyey xabad joojin kooban

Israa’iil ayaa joojin doonto 8 saac duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Qasa saddex maalin oo maanta ka billaabanaysa, si la mid ah Xamaas ayaan saacadahaas wax weerar ah qaadi doonin.

Sababta ayaa lagu macneeyey in kooxaha caafimaadka ay gaarsiinayaan carruurta Qasa tallaalka cudurka dabaysha, iyadoo la filayo in ka badan 640,000 carruur reer Qasa ah in tallaalka lagu gaarsiiyo.

Saacadaha 6 subaxnimo illaa 3 galabnimo goobo kala duwan oo Qasa ah, muddada saddexda maalin ah ayaa weerarrada la hakiyay, sida ay sheegeen saraakiisha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Dhinaca kale, Xamaas oo warsaxaafadeed ka soo saartay 6 maxbuus oo meydadkooda laga helay Rafah, ayaa sheegtay inay dhimashadooda mas’uul ka tahay Israa’iil oo duqeyn iyo xasuuq ka wadda Qasa, iyadoo warsaxaafadeedka lagu caddeeyay inay maxaabiistan ku dhinteen duqeynta Israa’iil.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu Mareykanka sabab u yahay dhimashada maxaabiistan, sababtoo ah taageerradiisa Israa’iil oo ku dagaallamaysa hubka uu siiyay.

Related posts

Wararkii u dambeeyey howlgalka Puntland ku ciribtireyso Daacish

Caydiid Ali

Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ukraine oo shaacisay iney 15 dayuuradood ka soo riday Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---