Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo heshiis iyo magacaabis maanta ansixiyay

-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

 

Related posts

Qoorqoor oo diyaariyay shirqool lagu baabi’inayo awooda ciidan ee kooxda Ahlusunna

Caydiid Ali

Trump iyo Kim Jong Un oo ku kulmay Xadka labada Kuuriya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Aragtidii Abiy ee Ciidamadaynta Geeska Afrika ee Dowladaha Shisheeye oo is bedeshay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---