Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay Madaxda IOM?

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’adda IOM kaas oo lagu gorfeeyay mashaariicda xasilinta ee deegaanada iyo degmooyinka Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa diirada la saaray dhismaha garoonka kubbadda cagta ee magaalada Jowhar, Hay’addaha hirgelinaayo ayay ka mid tahay IOM waxana dhawaan la bilaabi doonaa dhismihiisa.

“Dhawaan waxaan soo arkay mashaariicda aad dhammeystirteen iyo kuwa ka socda Hirshabeelle.Runtii IOM shaqo weyn oo dhanka xasilinta ayay nala qabatay.” Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ku ammaanay IOM ka go’naashaha barnaamijka xasilinta qeybta Dowladda Hirshabeelle.

Related posts

Wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho(Daawo Sawirada)

admin

Hogaamiyaha Tigrey oo mudo kadib fariin soo diray iyo Dowlada Itoobiya oo ka hadashay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/Wasaare Kheyre oo Sacuudiga kula kulmay Adel bin Ahmed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---