Allbanaadir.com
NEWS

Masar: Xad-gudubka Itoobiya kula kacday Somalia waa gardaro”

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay Qaahira ku wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto heshiiski ay wada gaareen Ethiopia iyo maamulka Somaliland.

“Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Related posts

Joe Biden oo Difaacay Go’aankii ciidamada uga saaray Afganistan Digniin Adagna u diray Daliban

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Lacag lagu qiimeeyay 600-Halaad diyo ahaan ugu kala wareejisay Labo beel (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo qabtay afar nin oo ka dambeeyay dilka labo wiil oo walaalo ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---