Joe Biden oo Difaacay Go’aankii ciidamada uga saaray Afganistan Digniin Adagna u diray Daliban

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si adag uga hadlay isbadalka ka dhacay dalka Afganistan, kadib markii dowladii dalkaasi ka jirtay la riday lana wareegeen talada kooxda Daalibaan oo sanadao badan dagaal ugu jirtay sidii Afganaistan u maamuli laheyd.

Joe Biden difaacay go’aankiisii ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Afganistan, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba raali ka aheyn in ciidamada Mareykanka ku dhintaan dagaal aysan dooneyn ciidamada Afganistan in ay ka qeyb qaataan.

“Ciidamada Maraykanku ma aha inay ku dagaallamaan, kuna dhintaan dagaal aysan ciidamada Afganistan doonayn inay ka qeybqaadaan,” ayuu madaxweyne Joe Biden ku yiri Khudbad uu shacabka u jeediyay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Mareykanka in gabi ahaan soo afjarayo arimaha dalka Afgaanistan kana shaqeenayo in aysan u gudbin madaxweynaha shanaad ee isaga ka dambeyn doona.

Madaxweyne Joe Biden ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha kooxda Taalibaan inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo iyo awood bur-burisa haddii ay farageliyaan ka bixitaanka shaqaalaga iyo Mareykanka ee wali jooga Afganistan.

Janaraalo hore oo Mareykan ah iyo siyaasiyiin ayaa si adag ugu dhaleeceeyay Madaxweynaha Mareykanka ka bixitaanka Ciidamada ee dalka Afganistan, waxa ayna sheegeen in dagaalkii 20-ka sanadadood hada kusoo dhamaaday natiijo la;aan.

Madaxeyne Biden ayaa ciidamado dheeraad ah u diray magaalada Kabul, si ay qeyb uga noqdaan soo daad gureynta shaqaalaha diblomaasiyiinta Mareykanka iyo dadka rayidka ah iyo sidoo kale muwaadiniinta Afganistan ee la shaqeeyay Mareykank.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -