Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo xilka ka qaaday Masuul amarkiisa diiday

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim, oo xilkaasi hayay muddo ku dhaw todobo sanno.

Sida aan wararka ku helnay Maareeyaha xilka laga qaaday oo kamid ahaa dadka sida weyn u taageeri jiray Madaxweyne Muuse Biixi , ayaa ka biyo diiday in uu Madaxweynaha u raaco safar uu ku tagayo gobolka Sanaag uu olole ka sameenayo Muuse Biixi.

Wareegtada uu Madaxweyne Muuse Biixi xilka uga qaaday Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Somaliland Maxamuud Raage Ibraahim, laguna shaacin sababta xilka looga qaaday, balse arrintan ayaa salka ku heysa khilaaf soo kala dhax galay labada masuul.

Wareegtada xil ka qaadista ayaa u qorneed suida tan :

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Maxamuud Raage Ibraahim
Maareeyihii Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta.

Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Related posts

Xiisad ka aloosan Belad-Xaawo iyo Khilaaf soo kala galay Fahad Yaasin & Muudey

Caydiid Ali

Dilkii Ikraan Tahliil Wax badan ka ogoow & Eeda Fahad Yaasin ee Mahad Salad , Rooble , Al-cadalaa !!

admin

Mooto Bajaaj ku qaraxday Muqdisho & Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---