Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo Shaaciyay in uusan ka tanaasuleyn arrin khilaaf ka jiro

Muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka harsan muddo labo sanno ka yar, sida muuqatana dalka uma diyaarsano wali in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, waxaana khilaaf ka jiraa nuuca doorasho ee xilligan dalka ka dhaceysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana ku adkeesanaya in dalka ka dhaceyso doorasho qof io cod ah, halka siyaasiyiinta mucaaradka kasoo horjeedaan arrintaasi ayna u arkaan in Madaxweynaha sidii Farmaajo rabo muddo kororsi ayna ka yeeleyn arrinkaasi.

Khudbad uu shalay Madaxweynaha ka jeediayy masjid kuyaalla Madaxtooyada ayuu ku sheegay in dalka ka dhaceydo doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna caddeeyay Madaxweynaha in aysan arrintaasi wax tanaasul ah ama ka noqosho ah aysan jirin.

“Dalka Soomaaliyeed Doorasho qof iyo cod ah ayuu galayaa ka noqosho malahan, dib uga dhicid iyo ka tanaasulid malahan,dadka soomaaliyeed ayaa codeynaya intii la gaari karo, Waxaan rabnaa in dhowr malyan oo Soomaali ah inay codeeyaan oo ay doortaan golaha deegaanka amaba xildhibaanada baarlamaanka,waa suurtogal inay dhowr malyan ay codeeyaan”ayuu yiri  Madxaweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sharciga doorashada iyo nidaamka loo galayo ay sameesan yihiin, waxa uu sidoo kale xusay in uu u yaallo sharciga doorashada iyo sidoo kale sharciga xisbiyadda, isagoo tilmaamay in dib loo habeenayo shuruucda lana waafajinayo duruufaha hadda jira.

“Shuruucdii nidaamkii ciyaarta doorashada lagu geli lahaa waa noo sameysan yihiin iyaguna waxay rabaan waxay in la waafajiyo cahdiga cusub iyo duruuftan cusub, waxana yaal sharciga doorashada waa yaalaa,sharciga xisbiyada waa yaalaa,sharciga guddiga doorashada waa yaalaa,duruufihii waa isbedeleen waqtigana waa isbedelay ,dadkii mas’uulka nooga ahaa inbadan oo ka mid ah waqtigaa ka dhacay,sidaa darteed waa in dib loo habeeyo shuruucdii lana waafajiyo duruufta dhabta ah ee maanta jirta.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Dadka siyaasadda falanqeeya iyo siyaasiyiinta mucaardaka ayaa aaminsan in dalka uusan wali u diyaarsaneyn in uu ka dhaco doorasho qof iyo cod ah, waxa ayna damaca Xasan Sheekh ku tilmaameen mid uu ku doonayo muddo kororsi ayna adag tahay in laga yeelo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dil ka dhacay Muqdisho iyo Dad ka careesan dilkaasi oo Wado muhiim ah xirtay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo booqday Xarumo ku yaalla degmada Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Jawaari ” Ciidamo ayaa la wareegay xarunta Baarlamaanka ,Waxii dhibaato ah ee ka dhaca Waxaa Masuul ka ah…

Cabdi Cade